Garaadku waa galad eebe garasho ahaan u guntiyo mid guyaal badan soo joogay & mid gallimo yar jirayba.
Rejedu waa rumaysnaan togan taasoo tartamayaasha noloshu la'aanteed waxba taameen waana tuse tilmaameedka in aynu maalin uun tiigsan doono riyadaynu tabayno.
Ha u guclayn in aad ka garaado badsato ood ka guud marto qof ee u gurguuro sidaad galimadii hore uga Wacnaan lahayd galabta ood joogto.
Joogtaynta qabashada waxa aad jeceshahay waa waa jaranjarada jagada aad jamatay.